Dhalashadeedii sagaalaad ( 9th birthday) ayaa markaan soo dhaw, waxay asxaabteeda ka codsatay hab-maamuus ka duwan in loogu sameeyo , waxay saaxiibbadeeda iy qoyskeeda u sheegtay in badalkii hadiyadaha ay ugu deeqaan qadar dhan $9, si ay 10 cunug oo dalalka soo koraya ku nool ay ugu deeqdo biyo nadiif ah, si ay u fuliso qorsheheeda waxay u baahneyd $300. Laakiin shilka geerideeda ayaa ka soo hormaray dhalashadeedii iyo qorshaheedii in ay biyo nadiif ah u hesho caruurta dalalka soo koraya, Rachel waxay dhimatay ayada oo aan gaarin damaceedii $300 iyo 10 cunug biyo nadiif ah sii, wakhtiga ayaa ku kadiyey ayada oo aruurisay $220!
Shil gaari ayay ku dhimatay, laakiin sheekadeeda ayaa badbaado u noqotay 100,000 oo qof oo aan haysan biyo nadiif ah, oo la noolaa cudurrada biyaha ka dhasha ee Kaadidhiigga, Gooryaannada IQK. Warbaahinta ayaa gudbisay sheekada gabadha, waxaa dib loo daalacday shabakad ay u sameysay qaaraanka ololeheeda, waxaa hal-kudhag looga dhigay gabadhii naxariista badneyd, deeqsiyadda ahayd, saqiirkii caqliga badnaa!
Todobaad kaddib geerideedii waxaa ololeheedii ka qayb qaatay dad aan xisaab lahayn, ($9 for every one), waxaa la aruuriyey lacag ku dhaw Hal Milyan iyo Bar( 1.5m), ku dhawaad konton kun oo qof ( 50,000) ayay sabab u noqotay in ay helaan biyo nadiif ah, dadkaasi waxay ku noolaayeen Itoobiya gobolka Tigreega.
Sannad kadib geeridii Reachel waxaa yimid gobolka Tigreyga Reachel Hooyadeed iyo Ayeydeed, si ay farxadda ula qaybsadaan kumannaan qoys oo helay biyo nadiif ah ololaha gabadhooda darti!
Waxay leeyihiin “Mahadsanid Rachel, sababtoo ah waxaad na siisay biyo nadiif ah”. Ololaha gabadhaan waxaa uu dhiirragalin u sameeyey 408 qof oo si la mid ah inantaan u abuuray olole Biyo nadiif ah, sidoo kale saameyn ku yeeshay nolosha kumannaan qoys! Kalyihii Rechal waxaa loogu deeqay nin u dhiman rabay kalyo beel.
Water.charity waa Hay’ad maanta shaqeysa oo u ololeysa in biyo nadiif ah la helo, waxaa sabab u ahayd aas-aaskeeda Reche